Fadliga ay leeyihiin tobanka maalmood ee bisha Dil-Xijah

 Bisha Dil-xijah waxay ka mid tahay Bilaha Xormada leh ee labo iyo tobonka bilood ee sanadka, waxayna gaar la tahay inay Xamabaarsan tahay Maalmo gaar ah iyo acmaal aad u waa weyn.

Allah wuxuu ku sheegey tobanka maalmood ugu horeeya ee bisha Dil-xijah in ay yihiin maalmo aad u fadli badan.


 

Allah wuxuuna yiri : {وَالفَجرِ وَلَيَالٍ عَشرٍ } Ibnu Cabaas Alle haka raali noqdee wuxuu ku fasiray tobanka maalmood ee Alle uu ku dhaartay in ay yihiin tobanka maalmood ee bisha Dil-Xijah.

قال رسول الله ﷺ "ما من أيام العمل الصالح فيها أحبُ إلى الله عز وجل من هذه الأيام- يعني أيام العشر- قالوا: يا رسول الله: ولا الجهاد في سبيل الله؟ قال: ولا الجهاد في سبيل الله إلا رجل خرج بنفسه وماله ثم لم يرجع من ذلك بشىء" رواه البخاري

 

Rasuulkeena wuxuu yiri: “Maamlo ma jiraan oo camal wanaagsan la sameeyo oo Alle xagiisana loogu jecel yahay oona ka fiican tobankaan maalmood ee bisha Dil-Xijah, saxaabada wey la yaabeen oo waxey yiraadeen rasuul Allow xataa jihaadka mivyey ka fadli badan yihiin? Rasuulka wuxuu yiri: xataa jihaadka, ilaa qof mooye naftiisa iyo maalkiisa la baxay oo aan waxba la soo noqon”.


Daawo iyadoo muuqaal ah: 




No comments:

Post a Comment