Nabiga ﷺ wuxu yiri: (Quraanka akhriya, quraanku maalinta qiyaame waxa uu idin imanayaa isagoo u shafeeca qaadaya qofkii akhriyi jiray). # Nabiga ﷺ wuxu yiri: (Qofkii igu salliya hal jeer, Alle ayaa ku salliyi toban jeer). # Si dhif ah ayaan u xusuusanaa Alle, si dhif ah ayaan waqti ugu bixinaa akhrinta Quraanka, kadibna waxaan la yaabnaa sababta aan u farxi la ' nahay. - We rarely remember Allah, we rarely spend time reading the Quran and then we wonder why we're not happy. # Nabiga ﷺ wuxu yiri: (Ka digtoonaada baryada dadka dulman, maxaa yeelay ma jiro wax u dhexeeya iyada iyo Alle. - Sahih al Bukhari)- The Prophet ﷺ said: (Beware of the supplication of the oppressed, for there is no barrier between it and Allah. - Sahih al Bukhari). # Guurkaaga haku dhisin dareenkaaga oo si joogta ah isu beddela. Guurkaaga ku dhis diinta Alle.- Don't build your marriage on your feelings that constantly change. Build your marriage on the doctrine of Allah. # Waligaa haka daalin sameynta camalka wanaagsan. Camalada ilaahay ugu jecelyahay ma aha kuwa ugu waaweyn laakiin waa kuwa ugu joogteenta badan, haba yaraadee camalka.- Never get tired of doing good deeds. The most beloved deeds to Allah are not the biggest but the most consistent, even if it is small. # Nabiga (ﷺ) wuxu yiri: “Qofkii yiraahda ( Subxanllaahil Cadiim wa bixamdih ) waxaa Jannada loogu talaalayaa geed Timir ah”.قال النبي ﷺ: "‏ مَنْ قَالَ سُبْحَانَ اللَّهِ الْعَظِيمِ وَبِحَمْدِهِ غُرِسَتْ لَهُ نَخْلَةٌ فِي الْجَنَّةِ. - ‏" The Prophet (ﷺ) said: “Whoever says: ‘Glory is to Allah, the Magnificent, and with His Praise (Subhanallahil-Adhim, wa bihamdih)’ a date-palm tree is planted for him in Paradise.” # Nabiga ﷺ wuxuu yiri: (Qolo umadayda ka mid ah ayaa gadaashayda imaan doona, axadkood ayaa jeclaan lahaa inuu ragtidayda ku iibsado ehelkiisa iyo maalkiisa)-قال رسول الله ﷺ: (إنَّ أناساً من أمتي يأتون بعدي، يودُّ أحدهم لو اشترى رؤيتي بأهلهِ ومالهِ) [صحيح الجامع الصغير وزيادته]- The Prophet ﷺ said: (People from my Ummah will come after me, someone would like to buy my vision with his family and wealth).

Fadliga ay leedahay maalinta Carafa

Maalinta Carafa waa maalin Alle uu ku dhaartay, markuu yiri: “وَالْفَجرِ وَلَيَالٍ عَشْرٍ” waa tobonka ugu horeeya ee bisha Dil-Xijah sida Ibnu Cabaas uu ku fasiray. 

Maalinta carafa waa maalintii la dhamaystiray diinta iyo nimcada uu Alle ku maneeystay muslimiinta, waxaana soo dagay iyadoo carafa la taagan yahay Aayado muslimiinta ugu bishareynaya in diintoodii loo dhamaystiray Allena uu diinkaas raali uga noqday inay diin ka dhigtaan.


Soonka maalinta carafa waxaa lagu dhaafaa dambiyada labo sano midkii tagay iyo kan soo socda sida nabiga () uu yiri: “waxa alagu dhaafaa dembiyada sanadkii tagay iyo sanadka soo socda.”

Maalinta carafa waa maalinka ugu badan ee uu Alle naarta dadka ka xoreeyo, Alle isagoo malaaiktiisa u fanayo ayuu ku yiri: Ma jirto maalin kaga badan yihiin adoomadiisa uu naarta ka xoreeyo maalinta carafe.

Maalin la duceysto waxaa ugu fadli badan ducada maalinta Carafa, sida Rasuulka () uu yiri: “Duco waxaa ugu fadli badan ducada maalinta Carafa”.





No comments:

Post a Comment